Ciidanka Xooga Dalka Oo Deegaano Cusub Kala Wareegay Alshabaab

Ciidanka Xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waaberigii hore ee saakay ku dagaalamay deegaan lagu magacaabo Orshe oo dhinaca Bari 50-KM ka xira Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin inta uu la egyahay, maadama aysan dadka  ka agdhawaan karin aaga

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in si buuxda gacan ku heynta deegaanka Orshe kula wareegeen, ayna Al-shabaab halkaas ku gaarsiiyeen khasaaro kala duwan, waa sida hadalka loo dhigay.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in Shabaabka ay ka furteen hub ay wateen, isla markaana haatan ay ku sugan yihiin deegaanka Orshe oo 50 KM u jira Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona halkaas ka wada howlgal lagu xaqiijinayo amniga.

Si kastaba Ciidanka Xoogga dalka ayaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale Al-shabaab ugala wareegay deegaano ay uga sugnaayeen Gobolka Galgaduud, kadib dagaalo geystay khasaaro oo dhinacyada dhexmaray.

Xafiisaka Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Ruushka Oo Dib Boodhka Uga Jafaya Xulafadiisii Ka Dib Isbahaysiga Cusub Ee Ay Reer Galbeedku Samaysteen

Bnnstaff Bnnstaff

“Nin Ku Xidhnaa Fal Argagixisanimo Oo Diiday In Uu Xabsiga Ka Baxo Iyo Sababta

Dagaal Sobobay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Muqdisho Ku Dhex Maray Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowlada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More