Doorashada Guud Ee Dalka Itoobiya Oo Saaka Loo Dareeray Iyo Deegaanada Somalida Iyo Hererida Oo Ayna Ka Dhacayn Doorashadu

Codbixiyeyaasha Itoobiya ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta, iyagoo dooran doona 547 xildhibaan.

Xildhibaan lasoo doorasnayo waxey ku biiri doonaan baarlamaanka federaalka dalkaasi, xisbigii uggu cod bataana wuxuu iska soo dhex xuli doonaa ra’iisal wasaaraha.

Tirada guud ee 547 goobood ee deegaan doorashada ee baarlamaanka, ayaa maanta oo isniin ah waxaan laga codeynayn boqol 102 goobood, iyadoo loo aaneeyey amni darro iyo wax is daba marin.

Deegaanka Tigreega 38 deegaan doorasho ayaaney ka dhaceyn doorasho, maadaama halkaasi haatan ay ka socdaan dagaallo.

Sidoo kale, deegaanada Soomaalida iyo Hararida ayaaney doorasho ka dhaceyn, iyadoo la qorsheeyey iney halkaasi doorasho ka qabsoonto bisha September ee inagu soo fool leh.

Doorashadan waa tii uggu horeysay tan iyo intii uu xukunka qabtey ra’iisal wasaare Abiy Ahmd sanadkii 2018-kii.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Nuxurka Qudbada Wasiir Saajin Uu Ujeediyay Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Kenya Oo Faah Faahisay Sababta Ay Ciidammo Ugu Direyso Kongo

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Xasan Deheeye Oo Ka Soo Horjeestay Mastar Planka Borama Baaqna Udiray Wasaarada Hawlaha Guud Ee Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More