Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ayaa sheegtay iney dileen 24 dagaal yahan oo katirsan al-Shabab, hawl gal ay ka sameeyeen magaalada Diinsoor, oo katirsan gobolka Baay, ee maamul goboleedka koonfur Galbeed Soomaalya, sidaasi waxey qorey warbaahinta ciidanka.
Hawlgalkan ayaa yimid kadib markii dagaal yahanada al-Shabab ay isku dayeen iney weeraraan saldhigyo ay ciidanku ku leeyihin Diinsoor, habeenkii ay taariikhdu aheyd 19-ka June. Laakiin ciidanku waxey sheegeen in weerarkaasi ay ka hortageen, hubna ay ku qabsadeen.
Afhayeenka ciidanka qalabka sida Soomaaliya, Col Cali Xaashi, ayaa u sheegay warbaahinta in 24 dagaal yahan oo al-Shabab ah la diley. Wuxuu intaa ku darey afhayeenku in dagaal yahanno kale oo intaa ka badanna in la dhaawacay.
Diinsoor waa magaalo istaraatiiji ah, 100km ayey u jirtaa xarunta gobolka Baay ee Baydhabo. Magaalada waxey gacanta uggu jirtey sanado badan ururka al-Shabab, ha yeeshee ciidamada ayaa goobo u dhaw in muddo ah ku sugnaa.
Ciidanka qalabka sida Soomaaliya, ayaa sheegtay iney ku dileen boqolaal dagaalyahan oo katirsan al-Shabab, hawlgallo ay ka sameeyeen gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya toddobaadyadii lasoo dhaafey. Ma jiraan wax u xaqiijinaya si madax bannaan sheegashada ciidanka dowladda Soomaaliya.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com