Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Soomaaliya Ku Kordheen Tacadiyada Ka Dhanka Ah Carruurtu

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay inay aad u kordheen xadgudubyo laga argagaxo oo lagula kaco Carruurta ku nool wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.

Warbixintan oo sanadkiiba mar kasoo baxda Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in ugu yaraan 19,379 carruur ah ay dhibanayaal u noqdeen xadgudubyo waaweyn oo isugu jira askarayn iyo kufsi xadhaaf ah.

Dalalka ugu badan ee tacadiyada ka dhanka ah Carruurta ay ka dhaceen ayaa waxaa Warbixinta ku sheegtay in laga diiwaan galiyay wadamada Afghanistan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), Soomaaliya, Yemen & Suuriya.

“Iska horimaadyada hubeysan iyo tixgalin la’aanta sharciga caalamiga ah ee bini’aadamnimada iyo sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha ayaa saameyn ba’an ku yeeshay ilaalinta carruurta, ”ayaa lagu yiri warbixinta.

In ka badan 8,400 oo carruur ah ayaa lagu diley ama lagu dhaawacay dagaallada socda waddamadan. Ku dhowaad 7,000 oo kale ayaa loo qorey askarayn dalalka DRC, Soomaaliya, Suuriya, iyo Myanmar ayaa sidoo kale lagu sheegay Warbixinta QM.

Warbixintan kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay kusoo aaay xilli labadii sano ee la soo dhaafay meelo badan oo kamid ah Soomaaliya laga diiwaangeliyay kiisas la xiriira kufsi iyo dil loo geystay Carruur farabadan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Warbixin Dareen Leh Oo Laga Diyaariyay Caruur Aad U Yar yar Oo Ku Shaqaystada Duruufo Adag

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaadanya Madaxwaynaha Dalka Masar

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ireland Kala Hadlay Xoojinta Xiriirka Ka Dhexeeya Somalia

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More