Dad Lagu Laayay Goobihii Codbixinta Ee Doorashadii Itoobiya Iyo Tirada Dadka Dhintay

Ugu yaraan sadex qof ayaa la dilay kaddib markii weerar lagu soo qaaday goob codbixin ah oo 160 km u jirta magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya isla markaana u dhow hoyga ra’iisal wasaare Aby Ahmed .

Sarkaal ka tirsan guddiga doorashada ayaa sheegay in dadkaasi la dilay maanta ay kala yihiin nin boolis ah, xubin ka tirsan maleeshiyo iyo sarkaal maxali ah.

Dabley hubeysan ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa goobta codbixinta ee deegaanka Liban Jawwi oo qiyaastii 50 km u jirta magaalada Ambo.

Dadka weerarka soo qaaday ayaa sheegay in doorashada aysan u dhicin si hufan, isla markaana ay tahay inay carqaladeeyaan hanaanka doorashada.

Magaalada Ambo waxay ka tirsantahay gobolka Oromia, halkaas oo xisbiyada mucaaradka ay ku baaqeen in la qaadaco doorashadii ka dhacday

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dad Gaadhaya 150 Qof Oo Ku Dhintay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Dalka Sudan

Bnnstaff Bnnstaff

Maayirka Iyo Gudoomiyaha Gobolka Gabilay Oo Dhalinyaro La Lugeeyay Kala Baydh Ilaa Dila

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Puntland Oo Hubka Ka Mamnuucay Magaalada Gaalkacyo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More