Gudoomiye Cabdi Xaashi Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Ansixinta Hay’ado Aan Soo Marin Golaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa digniin ka soo saaray ku dhaqanka shuruuc iyo dhismaha hey’addo sharci darrro ah oo aan soo marin Aqalka Sare, kuwaasoo ah illaa lix sharci iyo hey’addo la ansixiyay intii ay jirtay Xukuumadda Xil gaarsiinta.

Ansixinta wax ka bedelka sharciga maareynta guud,Ansixinta guddiga madaxa banaan ee musuqmaasuqa,golaha adeegga garsoorka,Ansixinta sharciga hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha,Wax ka bedelka sharciga lagu dhisay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka.

War saxaafadeedka ayuu goluhu ku sheegay iney si dhaw ula socdaan, isla markaana u diiwaan galiyeen dhamaan isku dayada, iyo wareegtooyinka lagu dhaqan galinayo shuruuc, laguna sameynayo hey’addo khilaafsan dastuurka KMG ah, kuwaasoo aan soo marin aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Golaha Aqalka Sare wuxuu ku war galinayaa digniintan dhammaan hey’adaha Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hey’adaha Bulshada Rayidka ah, iyo hey’adaha Caalamiga ah ee kaalmeeya Soomaaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa wali usii jira hey’ad ahaan, balse muddo xileedkiisu wuxuu dhamaadey 27-kii December, 2020-kii.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Farmaajo Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Dalka Jabuuti

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Ciro Oo Kulan La Qaatay Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Sweden

Bnnstaff Bnnstaff

Soomaaliya Oo Buuxisay Qeyb Ka Mid Ah Shuurudaha Ku Biiritaanka Ururka Ganacsiga Adduunka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More