Borama News Network

Akhriso Warbixin Xasaasiya Oo Muran Galisay Badqabka Maskaxda Madaxwaynaha Dalka Maraykanka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa si caro leh uga jawaabay baaritaan lagu ogaaday in uu si qaldan u maamulay faylalka sirta ah, uuna ku dhibtooday in uu dib u xasuusto dhacdooyinkii nolosha ee muhiimka ahaa.

“Xusuustaydu way fiican tahay,” ayuu ku adkaystay xilli war la yaab leh uu jeedinayay.

Waxa uu jawaab ka bixiyay hadal sheegayay in uusan u xasuusan markii wiilkiisa uu dhintay, isaga oo yiri: “Sidee buu warkaas ugu dhiirraday”.

Baaritaanka ayaa lagu helay Mr Biden “in si ula kac ah uu u kashifay” faylal sir ah, laakiin la go’aansaday inaan dacwad lagu soo oogin.

Sharci yaqaanka gaarka ah ee waaxda cadaaladda Maraykanka Robert Hur ayaa go’aamiyay in Mr Biden uu si khaldan u kaydiyay dukumentiyada sirta ah ee la xiriira militariga iyo siyaasadda dibadda ee Afgaanistaan ka dib markii uu noqday madaxweyne ku xigeenka.

Warbixinta aadka uga caraysiisay Biden oo ka kooban 345 bog, oo la sii daayay todobaadkii hore, ayaa lagu sheegay in xusuusta madaxweynaha “ay aad u xidadan tahay”.

Mar uu Biden doonayay inuu ka jawaabo su’aalaha suxufiyiinta ee ku saabsan da’diisa iyo miyir qabkiisa, wuxuu ugu yeeray hoggaamiyaha Masar Abdul Fattah al-Sisi “madaxweynaha Mexico”.

Mar la weydiiyay inuu ka jawaabo dagaalka Israa’iil iyo Gaza, wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa sida aad ogtihiinba, madaxweynaha Mexico, Sisi, waa uu diiday inuu furo albaabka Rafax si halkaas loo mariyo gargaarka bani’aadanimo.”

Hur ayaa wareysi fool ka fool ah la yeeshay madaxweynaha 81-jirka ah, waraysigaas ayaa socday muddo shan saacadood ah, isaga oo qayb ka ah baaritaanka.

Sharci yaqaanka gaarka ah, oo ay magacaabeen xibiga Jamhuuriga, ayaa sheegay in Mr Biden uusan xasuusan wixii uu qabtay markii uu ahaa madaxweyne ku xigeenka (laga soo bilaabo 2009 ilaa 2017), ama “xitaa wixii uu qabtay dhowr sano gudahood, oo ay ku jirto markii wiilkiisa Beau uu dhintay” (2015).

Shirkii jaraa’id ee habeenimadii Khamiista, Biden ayaa si adag u canaantay marinnada kuwa shakiga gelinaya xasuustiisa dhacdooyinka.

“Runtii, markii la i weydiiyay su’aasha, waxaan naftayda u sheegayay, in aanay waxba ka qusayn waxa ay I waydiinayeen,” ayuu yiri Biden.

“Uma baahni qof i xasuusiya markuu [Beau Biden] dhintay.”

Waxa uu sheegay in uu “aad u mashquulsanaa…oo uu dhexda uga jiray xallinta xasaradaha caalamiga ah” markii uu waraysanayay sharci yaqaanka gaarka ah maalmihii 8-9 Oktoobar ee sannadkii hore – maadaama markaas uu qarxay dagaalkii Israa’iil iyo Gaza.

Baaritaanka ayaa sidoo kale sheegay in Biden uu la wadaagay qaar ka mid ah waxyaabo xasaasi ahaa ee ku qornaa diiwaanka buugiisa gacanta ee xusuus qorka , taas oo uu madaxweynuhu diiday.

Qareenka gaarka ah wuxuu ku soo gabagabeeyey baaritaankiisa inay adkaan doonto in lagu maxkamadeeyo Biden arrinkaan feylasha sababtoo ah “Biden waxay u badan tahay inuu isagu is keeno xeerbeegtida horteeda, oo sidii uu sameeyay intii lagu jiray wareysigii aan la yeelanay, si ragannimo iyo odaytinimo leh u hadlo uu balse aan xasuusi jirin, imaan doono”.

Ra’yi ururin la sameeyay ayaa tilmaamaya in da’da madaxweynaha ay walaac ku tahay codbixiyayaasha Mareykanka ka hor doorashada Aqalka Cad ee November. Laakiin Mr Biden ayaa Khamiistii u sheegay suxufiyiinta inuu yahay musharaxa ugu wanaagsan ee u qalma xilka.

Isha: BBC SOMALI

Related posts

Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Hanjabaad Culus Hawada Mariyay Sheegayna In Ay Talaabo Qaadayaan

Abdiaziz Bnnstaff

Suuqan Wayn Ee Bakaaraha Ee Muqdisho Oo Saaka Xidhan Iyo Sababta

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Gaadhay Wajaale Oo Uu Ka Dilqacay Xanuunka Shuban Biyoodku

Abdiaziz Bnnstaff