Dowlada Itoobiya Oo Lagu Eedeeyay In Ay Duqayn La Beegsatay Goob Suuq Ah

Tobanaan qof ayaa lagu soo warramayaa inay dhinteen ama dhaawaceen ka dib markii ciidamada cirka ee Itoobiya ay duqeeyeen suuq ku yaal gobolka waqooyiga ee Tigray.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay BBC-da in ciidamada cirka ee Itoobiya ay Talaadadii duqeeyeen magaalada Togoga, oo 25 km u jirta magaalo madaxda gobolka, ee Mekelle.

Milateriga Itoobiya ayaa beeniyay inay bartilmaameedsadeen dadka shacabka ah, iyagoo sheegay inay weerarrada u qaadeen si ay uga hortagaan “argagixisada”.

Xoogaga kacdoonka Tigreega ayaa la sheegayaa in dagaalka ay horumar ka sameeyeen maalmihii lasoo dhaafay. Waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen dhawr magaalo halkaas oo dad goobjogayal ah ay BBC u sheegen inay arken dagalyahannada oo rondo sameynayo. Hase yeeshee dowladda Itoobiya ayaa gaashaanka u daruurtay sheegashada TPLF.

Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in ay gacan ka geysteen daadgureynta dhaawacyada. Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa dowladda Itoobiya ugu baaqday inay baarto duqeynta la sheegay.

Kumanaan dad ah ayaa la dilay malaayiinna waa la barakiciyay kadib markii iska hor imaadka uu qarxay ku dhawaad ​​sideed bilood ka hor.
Dhakhtar caafimaad oo ka howlgala isbitaalka weyn ee Mekelle ee Aider ayaa BBC-da u sheegay in ugu yaraan 60 qof ay dhinteen in ka badan 40 kalena ay dhaawacmeen.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in tirada ay intaa kasii badato.
Dhakhaatiirta ayaa sheegay inay daweynayaan tobannaan qof, oo uu ku jiro canug labo sano jir ah oo uu dhaawac ka soo gaaray duqeynta.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in milateriga Itoobiya ay ka hor istaageen in ay gaaraan goobta uu weerarku ka dhacay si ay u caawiyaan dadka kale ay suurogeliweysay inay qaxaan.

Wiil yar oo 16 jir ah ayaa BBC-da u sheegay isagoo ku sugan isbitaalka Aider in gacanta uu kaga dhacday firir iyo in uu arkay dhowr qof oo dhulka yaalay. Wuxuu sheegay in duqeynta cirka u ku dhintay nin uu garanayay.

Ciidamada Itoobiya waxay sheegeen in duqeymaha ay ahaayeen kuwo ka dhan ah bartilmaameedyada xooggaga Tigray.

“Weligeen duqeyn dhanka cirka ah kuma aanan qaadin suuqa. Sidee ayay taasi ku suurtagali kartaa? Ciidanku waxay awood u leeyihiin inay si sax ah u duqeeyaan bartilmaameedyadooda. Waan sameynay weeraro cirka ah, laakiin keliya waxaan bartilmaameedsanay gobihii aan ugu talagalnay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay ciidamada dowladda.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Turkiga Oo Hanjaabaad Culus U Diray Dowlada Arminaya Ee Ay Ishayaan Azerbijaan

Bnnstaff Bnnstaff

Kenya Oo Ku Jirta Malintii Ugu Dambaysay Ee Ololaha Iyo Musharixin Si Adag U Lo Lamaya

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Digniin U Dirtay Xeer Ilaaliyayaasha Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More