Askar Kenyaan Ah Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed Iyo Tirada Askarta Dhimatay Oo La Shaaciyay

Sarkaal boolis oo Kenyan ah ayaa sheegay in 17 askari ay geeriyoodeen markii diyaarad helicopter ah oo ay ugu safrayeen layli ay ku dhacday duleedka magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Lix qof oo kale oo qaba dhaawacyo darran ayaa laga soo bad-baadiyey goobta diyaaradda ay ku dhacday oo ah Ole-Tepesi, oo ka tirsan degmada Kajiado, sida uu sheegay sarkaalka, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo la xiriira inaan loo fasaxin inuu warbaahinta la hadlo.

 

Militari Kenya ayaa xaqiijiyey in diyaaradda ay dhacday, hase yeeshee ma aysan bixin faah-faahin. Militariga ma jecla inay shaaciyaan warbixinada khasaare intaas le’eg.

Qoraal kooban oo ay soo dhigeen twitter-ka ay militariga ku sheegeen in hadda uu socdo howlgal badbaadin ah.

Sarkaalka boolis ayaa sheegay in 23 askari ay saarnaayeen diyaaradda, markii ay dhacday subaxnimadii Khamiista.

Related posts

Sheekh Dirir Oo Ka Qayb Galay Ololaha Nadaafadeed Ee Hargeysa Laga Bilaabay Shacabkana La Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

“Waxa Ay Xaalad Amni Oo Iska Hor-imaad Horseedi Kartaa Ka Jirtaa Deegaanka Baki” Xildhibaan Mukhtaar Maydhane

Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka Somaliland Oo Dalbaday In Loo Furo Kaldhiyada Ay Xilka Kaga Qaadayaan Maayirada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More