Madaxwayne Ku Xigeenka Maraykanka Oo Booqanaysa Xaduudka Maraykanka Iyo Mexico

Madaxwayne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris ayaa markii ugu horeesay jimcaha soo aadan booqanaysa xadka koonfureed ee uu Maryakanku la wadaago dalka Meksiko.

Kamala Harris ayaa dhanka kale wajahaysa su’aalo ku aadan sababta ay xadkani u booqan waysay tan iyo markii ay xafiiska timid.

Sidoo kale booqashadeedan ayaa kusoo beegmaysa todobaad kadib markii uu madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump sheegay in uu booqanayo xadkan 30’ka bishan Juun.

Xadka uu Meksiko lawadaago Maraykanka ayaa ah halka ay kasoo galaan muhaajiriinta ugu badan ee magan galyo doonka ah ee galaya dalka Maraykanka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan Oo Xeerka Furista Ururada Ku Tilmaamay Mid U Adeega Beesha Dhexe

Bnnstaff Bnnstaff

Hordhac:- Dood Cilmiyeed Xasaasiya 30 Sanno Kadib Maxaa Hortaagan Dhaqaalaha Somaliland.

Bnnstaff Bnnstaff

Somalida Tahriibka Ku Gasha Dalka Giriiga Oo Samaystay Ganacsiyo Kala Duwan Iyo Xaaladooda Nololeed

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More