Magaalada Borama Ayaa Waxaa Maalmihii Ugu Dambeeyay Si Way Looga Hadal Hayay Dhalinyaro Tiro Badan Oo Ku Labistay Calanka Somaliya Uguna Dabaal Degay 26ka June Waxayna Iska Soo Duubeen Muuqaalo Kookooban Kuwaas Oo Ay Ku Baahiyeen Baraha Bulshada
Muuqaalada Ay Dhalinyaradu Iska Duubeen Iyaga Oo Ku Labisan Calanka Somaliya Ayaa Waxay Ay Si Wayn U Qabsadeen Qaybaha kala Duwan Ee Baraha Bulsha Waxaana Ka Dhaltay Falcelin Balaadhan Taasi Oo Ka Socota Baraha Bulshada
Intaasi Ka Dib Waxaa Hawlgalo Lagu Soo Xidhxidhayo Dhalintaasi Bilaabay Ciidanka Booliska Somaliland Ee Magaalada Borama Waxaana Xabsiga La Soo Dhigay Dhalinyaro Gaadhaysa 40 Qof Oo Dhamaantood Lagu Haysto In Ay Ku Labisteen Calanka Somaliya
Waxayna Ku Kala Xidhanyihiin Xabsiyada Magaalada Borama Balse Xogo Hoose Ee Oo Ay Heshay BoramaNews Ayaa Sheegay In Qaar Ka Mid Ah Dhalinyaradaasi Laga Qaaday Xabsiyada Borama Iyada Oo Aan La Garanayn Halka Loo Qaaday Balse Loo Badinayo In Loo Gudbiyay Xabsi Madheera
Geesta Kale Wali Maamulka Gobolka Awdal Iyo Laamaha Amaanka Gobolku Kama Aysan Hadal Arinta Dhalinyarada Gaadhaya 40 Qof Ee Xabsiga Lagu Guray
Waxii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Arinta Dhalinyaraadasi Kala Soco BoramaNews
Mustafe Haji