Xaliimo Yarey: Haddii Fursad Nala Siin Lahaa Xilligaan Doorashada Waa Lagu Kala Bixi Lahaa”

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in haddii la qaadan lahaa talooyinkii ay soo jeediyeen sanadkii hore, ay imika doorasho qabsoomi lahayd, amaba loo dhowaan lahaa.

Muddo sanad ah ayaa haatan laga joogaa markii Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, ay baarlamaanka Soomaaliya hordhigeen labo qaab oo ay ku dhici karto doorashada Soomaaliya, oo haatan waqtigeedii lagu ballamay la soo dhaafay. Guddiga ayaa haatan qaba in haddii fursadda la siin lahaa ay xilligan qabsoomi lahayd doorashada, amaba ay muuqan lahayd saansaan ay ku dhici karto.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay in haddii guddigooda talada loo deyn lahaa maanta doorashada laga gaari lahaa horumar muuqda.

“Haddii la yeeli lahaa inay doorashadu dhacdo April, waxaa maanta jiri lahayd dowlad, haddii August la yeeli lahaana waxaa noo soo bixi lahaa xildhibaanno. Hadda waxaad mooddaa in waqtiyadii aan soo jeedinnay mid waa la soo dhaafay midna waa soo socotaa, laakiin wax diyaar ah ma muuqdaan,” ayay tiri.
Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in qabanqaabada hadda la wado aysan u arkin mid doorasho balse ay u aragto mid “lagu xulanayo dad kooban”.
Maxay kala yihiin labada hab doorasho ee ay soo bandhigtay Xaliimo Yarey?
Habka koowaad
Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa sanadkii hore khudbad ay baarlamaanka ka hor jeedisay waxay tilmaantay in sida ku xusan sharciga doorashooyinka, nooca diiwaangelinta codbixiyaha ay noqoto habka casriga ah ee Biometric-ga, kaasoo u baahan hawlo ay kamid yihiin:
In la soo iibiyo qalabka diiwangalinta codbixiyaha
In hay’adaha amniga xaqiijiyaan xarumaha lagu diiwangalin karo codbixiyaha ee la sugi karo amnigooda
In la fuliyo wacyigelin balaaran si dadwaynuhu uga qaybgalaan is diiwaangalinta
In la geeyo qalabka iyo shaqaalaha diiwangalinta xarumaha diiwaangalinta
In la diiwaangeliyo codbixiyaasha xaqa u leh codaynta
Soo saaridda liiska codbixiyaha ee rasmiga
Qaybinta kaarka aqoonsiga codbixiyaha
Diiwangalinta rasmiga ah ee xisbiyada Siyaasadda
Diiwaangalinta musharrixiinta xildhibaannada
Ololaha doorashada xisbiyada
Qabashada doorashada (maalinta codbixinta)
Habka Labaad
Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo bandhigay hab labaad oo ka duwan kan hore, uuna sheegay inuu ka waqti iyo kharashba yar yahay.

Waa habka diiwaangelinta gacanta ee isla maalinta codbixinta, kaasoo dadka codkooda dhiibanaya lagu diiwaangelinayo gacanta isla maalinta codbixinta iyada oo la adeegsanayo diiwaan qoraal ah.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in si ay u qabtaan doorasho habkaasi ku dhacda uu guddigeedu u baahan yahay muddo 9 bilood oo ka billaabmaysay July 2020 kuna ekeyd March 2021.

Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka dhacdo codbxintii ugu horreysay ee dimuqraadi ah muddo 50 sano kabadan. Xisbiyo badan oo si kumeelgaar ah loo diiwaangeliyay ayaa doonaya inay u tartamayaan doorashadaasi baarlamaaniga ah.

Related posts

Facebook Oo Aqbalay Shuruudaha Turkiga Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

“Siyaad Bare Aad Buu Ii Jeclaa Waxuuna I Galiyay Nolol Aad U Saraysa” Dr Gaboose

Bnnstaff Bnnstaff

Ragii Loo Heystay Weerarkii Westgate Mall Ee Dalka Keyna Oo Xukun Adeg Lagu Riday

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More