Dowlada Somaliya Oo Ciidamo Gaysay Degmada Wisil Iyo Ciidamadaasi Oo Hawlgali Bilaabay

Ciidanka Kumaandooska Danab Ururka 6 aad Guutada 16 aad oo ay dowladda Soomaaliya geysay degaanka Wisil ayaa waxaa ay halkaasi ka bilaabeen howlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa howlgalka intiisa badan ay ka sameeyeen duleedka degaanka Wisil, iyaga oo gurmad Dhaka Nolosha ah u fidyay qoysas ka barakacay dagaalkii degaanka Wisil.

Ciidamada oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Danab Ee Degaanada Galmudug Dhame. Feyfle ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka howlgalkooda uu yahay sidii ay Al-Shabaab uga saari lahaayeen degaannada ku dhow dhow degaanka Wisil.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay Ciidamada siweyn u xaqiijiyeen Amniga degaanka Wisil, isla markaana howlgallada ay noqn doonaan kuwa sii socda si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab ay degaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug ku qaadeen weerar ku billowday qarax, waxaana dagaal halkaasi ka dhacauy ku geeriyoodeen in ka badan 30 Ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad Shacab ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qaramada Midoobay Oo Cabsi Ka Muujisay Dambiyo Dagaal Iney Ka Dhacaan Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Dal Afrikaan Ah Oo Malaayiin Doolar Ku Bixinaya Sidii Dib Loogu Dhisi Lahaa Burburka Soo Gaadhay Magaalada Jenin Ee Falastiin

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaan Odawaa Oo Su’aalo Kulul Oo Ku Saabsan Sobobta Loogu Fashilmay Doorasho Qof Iyo Cod Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More