Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Doorashooyinka Somaliya Ee Muqdisho Ka Socda

Waxaa Maanta Maalintii labaad gelaya Shirka Golaha wdatashiga doorashooyinka , kaas oo shalay Madaxda uga furmay Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Kulankii shalay ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta howlaha doorashooyinka, waxyaabaha qabsoomay, horumarada la sameeyey iyo haddii ay jireen caqabado mudadii bisha ahayd ee ay kala maqnaayeen.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo shirkii uga qeyb galay Aalada ZOOMKA, ISAGA OO KU MAQAN DALKA Turkiga ayaa la filayaa in uu Maanta Muqdisho kusoo laabto kuna biiro Shirka.

Maanta ayaa markale uu kulanka halkaasi ka sii socon doonaa, waxana Maanta la filayaa inay Kulanka qeyb ka noqdaan Guddiga gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha u xilsaaray arrmaha doorashada, kuwaas oo Warbixino looga dhageysan doono.

Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in Madaxda ay sidoo kale sii amba qaadi doonaan sababta keentay in madaxda ay shiraan, taas oo ku saabsan dib u eegis lagu sameyn doono qodobada qaar ee heshiiskii doorashada, sida qodobka ku saabsan labada Goobood ee loo asteeyay Maamul walba in lagu qabto doorashada.

Shirka Golaha wadatashiga doorashaooyinka ayaa waxaa la filayaa inay madaxda heshiis ku gaaraan, isla markaana geba-gabadiisa ay kasoo saaraan Warmurtiyeed ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashada Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Itoobiya Oo Xaalada Deg Deg Ah Lagu Soo Rogay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Suldaan Axmed Libaax Oo Ka Hadlay Colaada Ceel Afwayn Shaaciyayna Tirada Dadka Ku Dhintay Colaadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Ruushka Oo Shaacisay In Wajigii 1aad Ee Dagaalka Ruushka Ay Soo Gabgabaysay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More