Madaxwayne farmaajo Oo Gaadhay Magaalada Asmara Ee Dalka Eritrea

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Asmara International Airport ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socday waxaa si heersare ah ugu soo dhaweeyay dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki, waxaana loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada.
Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah ku yeelan doona Xarunta Madaxtooyadda, iyadoo labada Madaxweyne ka wada hadli doonaan horumarka xiriirka labada dal, arrimaha gobolka.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Eritrea ayaa ku soo aaday, iyadoo dalka deriska la ah ee Jabuuti uu isna maanta tagay Ra’iisul Wasaarihiisa hore Xasan Cali Kheyre oo la filayo inuu ka mid noqon doono ragga uu loolanka adag kala kulmi doono Tartanka Madaxtinimada Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay Magaalada Jubba uga qeyb galay munaasabadda heshiiskii nabadeed ee u dhaxeeyay Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalka Suudaan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO:- Qudbadii Madaxwayne Farmaajo Ka Hor Jeediyay Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

“Waxaan Daawanayay Wiilkayga Oo 12 Jir Ah Oo La Gowracayo” Oday Wiilkiis Lagu Hor Gawracay

Bnnstaff Bnnstaff

Taliban Oo Shaacisay In Ay Dhisi Doonto Dowlad Loo Dhanyahay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More