Milateri Dhaqaale Xumo Soo Food Saartay Awgeed u Kireynaya Diyaaradihiisa

Milateriga Lubnaan ayaa qorsheynaya in todobaadkan uu billaabo hawlo aan looga baran ciidamada adduunka.

Barta uu Facebook ku leeyahay ciidankaas ayaa lagu sheegay in shacabka loo oggolaan doono inay kireystaan diyaaradahiisa helicopter-ka, si dhakhli wanaagsan uu ugu soo xaroodo.

Milateriga ayaa sheegay in shacabka dalkaas ay fursad u heli doonaan inay “Lubnaan ku dul dalxiisaan” oo dalxiiskiiba uu qaadan doono 15 daqiiqo.

Dadka doonaya inay ka qeyb qaataan duulimaadyada dalxiiska ah ayaa looga baahan yahay inay da’doodu ka weyn tahay saddex sano jir, isla markaana ay duulimaadkiiba bixiyaan lacag dhan 150 dollar.
Ujeedada laga leeyahay qorshahan ayaa ah in “lagu dhiirageliyo dalxiiska Lubnaan, laguna taageero ciidamada” ayuu yiri sarkaal ka tirsan milateriga oo u warramay wakaallada wararka ee AFP.

Dhaqaale xumida ka taagan Lubnaan ayaa saameyn xooggan ku yeelatay milateriga dalkaas, gaar ahaan miisaaniyadda loo qoondeeyay ciidamada.

Bartamihii sanadkii hore, milateriga Lubaan ayaa joojiyay hilibka uu siiyo askartiisa kadib markii uu sare u kacay qiimaha hilibka xoolaha.

Lubnaan ayaa ku jirtay xaalad siyaasadeed oo cakirin tan iyo markii ay xilka wareejisay xukuumaddii la doortay, taasoo ka dambeysay qarixii xoogganaa ee Beyrut ka dhacay bishii August 2020 ee ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof.

Horraantii bishan, Faransiiska ayaa martigeliyay shir kaalmo dhaqaale loogu fidinayo milateriga Lubnaan, waxaana ballanqaadyo sameeyay illaa 20 waddan.

Lacagta Giniga Lubnaan ayaa boqolkiiba 90% hoos u dhacay sanadkii 2019, arrintaas oo horseedday in mushaharaadka iyo dhaqaalaha ku baxaya milateriga ay meesha ka baxaan.

Ciidanka ayaa kamid ah hay’adaha fara ku tiriska ah ee loo arko inay astaan midnimo u yihiin Lubnaan, islamarkaana aan ku milmin siyaasadda cakiran ee dalkaas.

Waxaa uu caan ku yahay dhex-dhexaadnimadiisa waxaa uuna taageero ballaaran ka haysta dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee dalkaasi la aqoonsan yahay, iyo sidoo kale ururada diimaha.
Quwadaha reer galbeedka ayaa sidoo kale u arka ciidanka inuu yahay awoodda keliya ee celinaysa dhaqdhaqaaqa Shiicada ah ee ay taageerto Iran ee Xisbullah, kuwaas oo diiddan in hubka ay dhigaan.
“Milateriga Lubnaan waa tiirka keliya ee sugayo amniga dalka, marka waa in si degdeg ah loo taagero si ay howlgalladooda ay u fuliyan,” ayuu sarkaal ka tirsan wasaarada gaashandhigga ee Farasiinka u sheegay warbaahinta.

Dowladda Maraykanka ayaa bishii aynu soo dhaafnay waxay sheegtay inay kordhin doonto dhaqaalaha taakulaynta Milatariga Lubnaan oo ay gaarsin doonto $120m.

Bangiga Adduunka ayaa ka digay in Lubnaan ay wajahayso xaalad dhaqaale tii ugu xumeyd tan iyo qarnigii 19aad.

In kabadan kala bar bulshada dalkaasi Lubnaan ayaa la rumeysanayahy inay ku nool yihiin wax ka hooseeya heerka saboolnimada ee waddankaas, arrintaas oo saameyn ku yeelatay noolasha shacabka iyo adeegyada aas’aasiga ah.

Askariga aan darajo lahayn ee milatariga Lubnaan ayaa mushaarkiisa waxaa lagu qiyaasay 1.2 milyan oo Giniga Lubnaan ah bil walba taas oo sarifka suuqa madow ee dalkaasi u dhiganta 80 dollar.

Arrintan ayaa niyad-jebisay askarta waxayna sababtay in tirada ciidanka ay hoos uga dhacdo wax ka badan 3000 iyadoo haatan tirada guud ay tahay 80,874 oo askari.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

” Somaliland , Hadan Wax Ahay Waa Ta Wax Iga Dhigtay ” Drs Adna Aadan Oo Hadashay

Bnnstaff Bnnstaff

RaysalWasaare Xamse Barre Oo So Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Baladweyne Sawiro

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Geerida Fanaankii Qaranka Faarax Siidow

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More