Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Waraaqda Iscasilaada u gudbiyay Golaha Guurtida ,
Waxaanu Gudoomiyuhu Iscasilaadiisa ku Wargaliyay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi, kaasi Oo dhiniciisa ka aq-balay ,
Maalinta Sabtida ah ayaa la’ filayaa inuu Gudoomiyuhu arintani faah-faahin ka bixiyo ,
Kursigaas ayaa la’ filayaa inuu buuxiyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ,
Mudanayaasha Golahani ayaa ku fadhiya Nidaamka Beelaha, taasi oo horaba uu ugu soo galay Gudoomiye saleebaan Sanadii 2004,
Xiligaasi oo uu geeriyooday Gudoomiyihii Wakhtigaasi ee Golaha Guurtida Sheekh Ibraahim Sh, Yuusuf Sh, Madar.
Sidaasi waxaa Xaqiijiyay ilo-wareedyo xog-xogagaal ah .
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com