Abiy Axmed “Haddii Ay Na Daan-Daansadaan Maanta Ayaan Ku Laaban Karnaa Mekelle”

Hoggaamiyayaasha Ethiopia ayaa Arbacadii hoos u dhigay muhiimadda ka bixitaanka ciidanka federaalka ee magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, ayaga oo ku adkeystay inay xilli kasta oo ay doonaan ay dib uga qabsan karaan mucaaradka

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in magaalada Mekelle, oo ciidamada dowladda ay qabsadeen bishii November balse dib loogala wareegay Isniintii, “ay lumisay muhiimaddeeda” intii uu socday dagaalka Tigray, muddo sideed bil ah.

“Marka aan militari ahaan u eegno Mekelle, nooma xiiso gelineyso si la mid ah markii aan halkaas tageynay,” ayuu yiri Abiy oo hadallo uu jeediyey uu baahiyey xafiiskiisa, Arbacadii.

Sidoo kale, Sarreeye Guud Bacha Debele ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada ee Mekelle looga dan lahaa “in gargaar lasiiyo” shacabka – hase yeeshee tallaabadaas deg deg looga laaban karo.

“Haddii ay na daan-daansadaan, maanta ayaan ku laaban karnaa Mekelle. Si kastaba, burburka wuu ka xumaan doonaa sidii hore,” ayuu yiri Bacha oo ah sarkaal sare oo ku lug lahaa howlgalka Tigray.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka ciidamada Tigray, ayaa AFP u sheegay Isniintii in qabsashadooda Mekelle ay ka dhigan tahay guul militari, isaga oo yiri “Qeybtii ugu xoogganeyd Ciidamada Difaaca Qaranka Ethiopia gebi ahaan waa la burburiyey.”

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ciidanka Dowlada Somaliya Iyo Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Deegaanka Jasiira Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Nin Naftiisa U Galaaftay 20 Dolar Oo Wabi Kaga Dhacay

Bnnstaff Bnnstaff

Midawga Africa Iyo Dowlada Somaliya Oo Ku Heshiiyay In Ciidanka Amisom Mudo Kordhin Loo Sameeyo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More