Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Amaro Ku Soo Rogay Wasiirada Xilka Sii Haya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amaro Cusub oo ku socda Xubnaha Golaha Wasiiradda ee Xil-gaarsiinta ah ee Xukuumaddii hore.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa xubnaha Golaha Wasiiradda ee Xil-gaarsiinta lagu faray in Ra’iisul Wasaaraha lagala tashado go’aan kasta oo ay gaarayaan ama qoraal kasta oo ay soo saarayaan.

Sidoo kale waxaa xubnaha Golaha lagu amray in la tashi kaddib nuqul ka mid ah Qoraaladooda ay soo ogeysiiyaan Ra’iisul Wasaaraha iyo sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Waxaa kaloo Wareegtada Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble lagu sheegay in aan la aqbali doonin tallaabo kasta oo ka hor imaaneysa Dastuurka dalka u yaalla iyo habraaca Xukuuumadda.

Si kastaba Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Wasiirada xilka sii haya ay muddooyinkan wadeen is bedelo iyo magacaabis boosas xileed qeybaha wasaaradahooda.

Hoos ka Akhriso Wareegtada kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Related posts

Markab Si Xad-Dhaaf Ah Loogu Raray Xoola Nool Oo Ku Degay Dekedda Ku Taalla Badda Cas

Bnnstaff Bnnstaff

Nin Dilaa Ah Oo Loo Diiwaan Geliyay Inuu Isku Gubay Gudaha Xabsigii Uu Ku Jiray Oo La Qabtay

Bnnstaff Bnnstaff

Shirwaynaha Guud Ee Madasha Culimada Somaliyeed Oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More