Gudiga Doorashada Somaliya Oo Doortay Gudoomiye Ku Meel Gaadh Ah Waase Kuma Gudoomiyahaasi

Kulan rasmiya oo ay maanta yeesheen guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa u doortay Muuse Geele Yuusuf gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee guddiga.

Guddoonkaan cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qaban qaabada iyo qabashada guddoonka guddiga Qaran ee hagaya doorashada.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dhisay guddi ka kooban shan(5) xubnood oo qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4-July-2021.

Guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro ayaa si rasmiya madasha shirka isaga casilay xilkii hore, isagoona ku wareejiyey gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee cusub.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ciidamo Kenyaan Ah Oo Qarax Lagu Laayay Gudaha Somaliya Iyo Tirada Askarta Dhimatay

Bnnstaff Bnnstaff

Casho Sharaf Lagu Maamuusay Xulka Awdal Ee Ku Guulaystay Tartanka Somaliland Ee Dadka Baahiyaha Gaarka Ah Qaba.

Mustafehaji

Ilma Yar Oo La Sheegay In Uu Hargeysa Dhexdeeda Ugu Dhintay Gaajo Darteed

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More