Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho ayay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof halka tobaneeyo kalena ay ku dhawacmeen, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta lagu canbaareeyay weerarkan oo ay dowladdu ku eedeysay in ay ka danbeeyeen Al-Shabaab.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ka danbeeyay qof walxaha qarxa isku soo xiray oo beegsaday maqaayadda ku taalla isgoyska Jubba oo ay dad badani ku fiidsanayeen.

“Mar labaad al-Shabaab waxa ay caddeysay in rabshadda ay waddo aysan soohdin laheyn ayna si aan kala sooc laheyn u leyneyso dadka. Al-Shabaab waxa ay ku dadaashaa oo kali ah in ay gaysato burbur iyo fowdo. Himilooyinkaasina ma ahan kuwa meel ku leh Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay baahisay wakaaladda wararka SONNA ee dowladda u faafisa ayuu Ra’isul Wasaaruhu ku yiri ”Waxaan cambaareynayaa qaraxii a Al-Shabaab ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.”

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada qaraxa ayaa waxaa ay sheegeen inay ku dileen saraakiil, Askar & Shaqaalo ka tirsan dowladda Soomaaliya wallow dadka ku dhintay qaraxaas ay ku jiraan dad badan oo Shacab ah.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Guddi Raysal Wasaare Rooble Uu Magacaabay Soo Qiimaynta Xaalada Garbahaaray Oo Khilaaf Soo Kala Dhex-Galay

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Shiinaha Ku Eedeeyey Inay Xarumo Sirdoon Ka Samaysteen Cuba

Bnnstaff Bnnstaff

Kaniin Laga Yaabo Inaad In Badan Isticmaashay Oo La Ogaaday In Uu ‘khatar Ku Yahay Beerka’

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More