Raysal Waasre Roobe Si Adag Uga Hadlay Qaraxii Muqdishi Kuna Baaqay In Loo Midoobo La-Dagaalanka Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay ku shaaheynayeen dad rayid ah, kaasi oo ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ra’iisul Wasaare Rooble ”Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisada Al-Shabaab ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.

Falkan waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda iyo dowladnimada.”

Warkaan kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo aadayaa xilli dhowr jeer Magaalada Muqdisho ay qaraxyo ka dhaceen, isla markaan dowladda Soomaaliya aysan qaadin wax tallaabo ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Kenya Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Ayna Aqbali Doonin Go’aanka Maxkamed ICJ

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg :- Muuse Biixi Oo Kulan Deg Deg Ah Iskugu Yeedhay Golihiisa Wasiirada

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Iyo Dhiggiisa Masar Oo Khadka Telefoonka Wada-Hadal Ku Yeeshey

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More