Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Ee Danab Oo Hawlgalo Wado Banayn Ah Fuliyay

Howlgal si Wadajir ah ay uu sameeyeen Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Daraawishta Koonfur Galbeed ayaa lagu qaadey isbaarooyin dhowr ah oo teedsanaa wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho.

Howlgalkan oo uu horkacayey wasiirka Amniga Koonfur galbeed ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiirka Arrimaha gudaha Taliyaha Ciidanka Daraawishta,Sarakiil ka kala socdey Ciidamada Xoogga Dalka .

Inta uu socdey Howlgalkan isbaara qaadista ah ayaa waxaa ciidamadu ku gubeen isbarooyinka kala ah Balow,Daa’uud Buulle,Isbaaro Taraafico iyo dhufeysyo meleshiyaad beeled ay ka sameysteen gudaha Degmada Walanweyn,

Mudada uu socday howgalkan waxaa ciidamada huwanta ah gacanta ay ku soo dhigeen askar si sharci daro ah lacago ugu qaadayey Gadiidka isticmala waddooyinka muhiimka u ah Gobolka iyo guud ahaan dalkeena .

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Siyaasi Faarax Macalin Oo Weerar Culus Ku Qaaday Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Isbitaalka Ku Booqday Afhayeenkiisa Macalimuu Oo Ku Dhaawacmay Qaraxii Shalay

Bnnstaff Bnnstaff

Banaanbax Lagu Taageerayay Rooble Oo Muqdisho Iyo Ciidanka Amaanka Oo Joojiyay Banaanbaxa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More