Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Heer Federaal Oo Guddoomiye Ku Meel Gaadh Ah Doortay

Kulankii ugu horreeyay oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Heer Federaal 2020-2021 ayaa waxaa ay ku doorteen Guddoomiye kumeel gaar ah.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga ayaa waxaa ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in uu gudoomiye ku meel gaar ah u noqdo qofka ugu da’da weyn xubnaha, waxaa ku guuleystay Cabbdullaahi Abyan Nuur.

Xubnaha uu ka kooban yahay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Heer Federaal ayaa soo dhaweyey doorashada Guddoomiyaha, iyaga oo sheegay inay Shaqadooda si wanaagsan u gutan.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Heer Federaal ayaa Shaqadooda waxaa ay tahay xalinta hadii uu khilaaf ama isqabqabsi ka dhasho doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Maalgashiga Iyo Somaliland Oo Ka Hadlay Magacaabistiisa

Bnnstaff Bnnstaff

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Weerar Qaraxyo Ah Oo Ay Dad Ku Dhinteen Ka Fuliyay Magaalada Abu Dubai

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Dowladda Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More