Cajiib:- Arday Garaacay Macallinkooda Kaddib Markii Uu Kula Taliyay Inaysan Dugsiyada Wax Ku Cunin

Macallin wax ka dhiga dugsiga sare ee Oldonyiro ee Waqooyiga Isiolo, dalka Kenya ayaa ka codsaday Guddiga Macallimiinta Kenya (TSC) inay iskuul kale u wareejiyaan kaddib markii la sheegay in ardaydiisa ay u hanjabeen.

Pius Mugambi, oo dhiga maaddooyinka Fiisigiska iyo Kimistariga, ayaa Arbacadii 30-kii June waxaa soo weeraray arday badan oo wiilal ah kaddib markii uu ku amray inay joojiyaan inay wax ku cunaan digsiyada.

Mugambi, oo 35 jir ah oo xilligaas shaqo ku jiray, ayaa sheegay in xilligii qadada uu tegay hoolka lagu cunteeyo isla markaana uu ku arkay ugu yaraan toban arday ah oo wax ku cunaya digsi.

“Waxaan ka codsaday inay wax ku cunaan saxamada oo aysan digsiga wax ku cunin. Waxay bilaabeen inay igu qeyliyaan, iyadoo qaarkood ay weerar igu soo qaadeen,” ayuu yiri.

“Ardaydu waxay yiraahdeen: ‘waxaynu nahay rag gudan, naguma qasbi kartid inaan wax ku cunno saxamada sidii aad u amri lahayd ilmo yar’. Kaddib aad ayay ii garaaceen,” ayuu yiri Mugambi.

Ardayda ayaa la sheegay inay goobta ka carareen kaddib markii ay arkeen macallimiin badan oo ku soo baxay.

Wiilasha ardayda ah ayaa la sheegay in dhowaan la guday, taasoo qeyb ka ah caado-dhaqameedka bulshadooda.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dab Xoogan Oo Baabi’iyay 48 Beerood Oo Ka Dhacay Deegaanka Do’da Yar Ee Gobolka Saaxil

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg: Qarax Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Buuq ka Dhashay Kalfadhigii Baarlamaanka Puntland Oo Sababay In Lagu kala Dareero.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More