Diyaaradaha Dagaalka Yuhuuda Oo Duqaymo Cusub Ka Fuliyay Marinka Qaza

Duqeyntaasi ayaa timid, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Reer Falastiin ay Buufimaha Olola la beegsadeen qeybo ka mid ah Koonfurta Israel, iyagoo geystay khasaaraha.
Diyaaradaha Dagaalka Israel waxay xalay duqeeyeen Fariisimo ay Dagaalamayaasha Kataa’ib Cisadiin Qasaam ee Garabka Milliteri ee Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ku leeyihiin Waqooyiga iyo Galbeedka magaalladda Qasa.
Lama soo werinin khasaaraha ka dhashay Duqeymahaasi.
Dhinaca kale, Askarta Israel waxay toogasho ku dileen Nin Falastiini oo lagu magacaabi jirey Maxamed Xasan oo 20-jir ahaa, kaasi oo hawl dayactir ah ka waday saqafka sare guri uu ku lahaa Tuulladda Qusra ee duleedka magaalladda Nablus ee Deegaanada Daanta Galbeed ee dhulka Reer Falastiin.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Aas Qaran Oo Maanta Hargaysa Loogu Sameeyay Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Iyo Muuse Biixi Oo Ka Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaan Odawaa Oo Su’aalo Kulul Oo Ku Saabsan Sobobta Loogu Fashilmay Doorasho Qof Iyo Cod Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Gudiga Ka Hortega Covid 19 Ee Somaliland Oo Warbaahinta La Hadlay Baaqna U Diray Bulshada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More