Borama News Network

Madaxwayne Erdogan Oo 12 Sano Kadib Booqday Masar Kulan Ay Reer Galbeedku Ka Naxeena La Qaatay Madaxwaynaha Masar

Booqashada Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu manta oo Arbaca ah ku tagay caasimadda Masar ee Qaahira, ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee inta uu madaxweynaha ahaa tan iyo markii uu Ra’iisal Wasaare noqday oo uu Masar booqday bishii September ee sannadkii 2012-kii.

Laba iyo toban sano ayaa ah farqiga u dhexeeya labada booqasho, muddadaas oo xiriirka Qaahira iyo Ankara uu soo maray isbedel aad u weyn, oo ku soo beegmay isbedelkii waagii Gu’ga Carabta, isagoo gaaray heer safiirrada lagala baxo, lana joojiyo dhammaan noocyada xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac, iyo xitaa Khilaaf u dhexeeya madaxda labada dal tan iyo 2013-kii, ka hor inta uusan xiriirku si tartiib tartiib ah u hagaagin dhawaan.

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in sannadahan oo dhan, iskaashiga dhaqaale ee Masar iyo Turkiga aanu wiiqmin, balse uu labanlaabmay ilaa uu sannadkii hore gaadhay $10 bilyan.

Madaxweyne Erdogan waxaa kale oo uu wacad ku maray in uu kor u qaadi doono ganacsiga Masar oo uu gaadhsiin doono 15 bilyan oo dollar muddo gaaban gudaheed, isaga oo intaa ku daray in labada dal ay qiimaynayaan iskaashiga tamarta iyo difaaca.

Related posts

Puntland Raali Kama Noqon Doonto Wax Kasta Oo Kasoo Baxa Kulan Xasan Sheekh Iyo Muuse Biixi”Madaxwayne Deni”

Abdiaziz Bnnstaff

Maxkamada Darajada Kawbaad Ee Maamulka Puntland Oo Dil Toogasho Ku Xukuntay Lix Nin Oo U Dhashay Dalka Marocco

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay yihiin dukumiintiyada sirta ah ee dowladda Ingiriiska hadda shaacisy ee ku saabsan Xisbullah iyo Bariga Dhexe?

Abdiaziz Bnnstaff