Diyaarad Milliteri Oo Ku Burburtay Filibiin Iyo Khasaaro Ka Dhashay Burburka Diyaarada

Diyaarad Xamuul oo nooceedu ahaa C-130 Hercules ayaa saakayto ku burburtay Koonfurta dalkaasi.

Ugu yaraan 85 Askari ayaa saarnaa Diyaaradaasi oo ku sii jeeday Jesiiradda Jolo Island ee Gobalka Sulu.

Warar Hordhac ayaa sheegay in ugu yaraan 40 Askari laga soo badbaadiyey burburka Diyaaradda, iyadoo ilaa haatan la xaqiijiyey geerida 17 Askari.

Diyaaradda waxay ku burburtay Tuullo lagu magacaabo Bangkal ee Degmadda Patikul.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu Duuliyihii Diyaaradda uu seegay dhabaha ay Diyaaraduhu caga-dhigtaan ee Runway-ga

Taliyaha Guud ee Milliteriga dalka Filibiin, General Ciritito Sobejana waxa uu sheegay inay socdaan baaritaanada waxa sababay Shilkaasi.

Ciiddanka la socday Diyaaradda burburtay waxay u socdeen Hawlgal ay kula dagaalami lahaayeen Kooxda Abu Sayaafa ee u halgamaya inay Madax bannaani u helaan Gobalka Sulu oo ay dadka Muslimiinta deggan yihiin.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qaraxyo Waawayn Oo Ka Dhacay Magaalada Baladwayn Iyo Shakhsiyaad Caan Ah Oo Ku Dhintay

Bnnstaff Bnnstaff

Kulayl Aan Noociisa Horay Loo Arag Oo Ku Dhuftay Qaybo Ka Mid Ah Qaaramada Yurub

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg:- Gudoomiyihii Gudiga Doorashooyinka Somaliland Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Gudoomiye Cusub Oo La Doortay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More