Cajiib:- Haweenay Nin U Dhisay Lacag Dhan 20 Dolar Oo Ay Ku Lahayd

Ganacsade ku nool deegaanka Kirinyaga ee dalka Kenya ayaa geeriyooday Jimcihii kaddib markii haweeney uu deyn ka qabay ay ku dishay toorrey.

Ninkan ayaa la sheegay inuu diiday inuu bixiyo deyn ay ku lahayd oo gaareysa Ksh.2,000 una dhiganta 20 doollarka Mareykanka ah.

Wiilkaa ninka dhintay Martin Kariuki ayaa sheegay in aabbihiis oo 45 jir ahaa oo lagu magacaabo Mark Karimi, uu u geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray toorreyda.

Dadka deegaanka oo careysan ayaa gubay dukaanka haweeneyda, iyaga oo sheegay in ninka geeriyooday uu hore u siiyay lacagteeda.

Haweeneydan ayaa haatan lagu hayaa saldhigga booliiska deegaanka Kagumo.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweyne Ruto Oo Shaaciyey Inuu La Shaqeynayo Madaxweyne Xasan Sheekh

Bnnstaff Bnnstaff

“Haddii hal Askari Ay Shacabku Rasaas Ku Dhufan Lahayeen May Qarsoonaateen” Xisbiga Waddani.

Bnnstaff Bnnstaff

Diyaarad Sida Gargaarkii Ugu Horeeyay Ka Dejisay Magaalada Xudur Oo Ay Xaalada Adagi Ka Jirto

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More