Turkiga:- Ciidamada Dalalka Liibiya Iyo Somaliya Oo Ku Dagaalamay Xero Lagu Tobabarayay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya isku dhac dhexmaray ciidamo dowladda Turkiga ay u tababarayso wadamada soomaaliya iyo Libiya.

Sida wararka sheegayaan askartan oo hal xero lagu tababarayay ayaa gacan ka hadal uu dhex maray kadib markii askari ka tirsan ciidamada Libiya uu midkood toorey ku dhaawacay askari soomaaliyeed oo halkaasi ku sugnaa, islamarkaana ay ka dhiidhiyeen ciidanka kale ee tababarka kula jiray.

Safaarada soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in gacan qaadka halkaasi ka dhacay ay ku dhinteen 25 ruux oo isugu jira soomaali iyo Libiyan

Turkiga ayaa tababara Ciidamada Dalalka Soomaaliya, Liibiya iyo Suuriya oo lagu eedeeyay in uu u adeegsado fulinta daniisa gaarka ah ee waddamada colaadda iyo dagaalada sokeeyay galay ee ay joogaan howlwadeeno ka socda.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wakaalada Biyaha Ee Magaalada Hargeysa Oo Lacago Badan Ka Dhaaftay Shacabka Reer Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamadda Dastuurka Dalka Ivory Coast Oo ogolaatay Musharaxnimada Madaxweyne Alassane Ouattara

Bnnstaff Bnnstaff

Shiinaha Oo Si Qorsoodi Ah Saldhig Ciidan Uga Dhisanaya Gudaha Dalka Imaaraadka Carabta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More