Nigeria:- Arday Laga Afduubtay Dugsigii Ay Dhiganayeen Iyo Tirada Ardayda La Afduubtay

Wararka ka imanaya waqooyiga dalka Nigeria gaar ahaan gobolka Kaduna, ayaa sheegaya in tiro ardey ah lagu afduubtey halkaasi, kuwaasoo ah kuwa dugsiga sare.

Iskuulka Bethel Baptist, oo katirsan kaniisadda kaniisadda Baptist, ayaa waxaa weerarey dabley hubeysan, saacadihii hore ee isniinta.

Guddoomiyaha hey’adda Kiristaanka Nigeria ee gobolka Kaduna, Reverend John Joseph Hayap, ayaa u sheegay BBC-da in iskuulka ay joogeen illaa iyo 180 ardey, laakiin la afduubtey ku dhawaad ardey gaareysa labaatan.

Ma cadda in inta kale ee hartey iyana la afduubtey ama ay ka baxsadeen dhacdadani. Wali ka ayan hadlin booliiska umuurtan.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya saacado kadib markii dad ay kamid yihiin kalkaaliyayaal, carruur iyo waardiyayaal ilaalinayey isbitaalka Leprosy oo lagu daweeyo dadka qaba cudurka Qaaxada la afduubtey, kaasoo ku yaalla magaalada Zaria, oo katirsan gobolka Kaduna.

Afduubyada lagu dalbado madax furashada, ayaa ku baahay dalka Nigeria, iyadoo kuwa ka dhaca iskuulada ay yihiin mararka qaarkood.

Xafiisks Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye

Bnnstaff Bnnstaff

Sicir-Bararka Turkiga Oo gaadhay Halkii Ugu Sarraysay Isagoo Saamayn Ku Yeeshay Dhaqaalaha

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland ”Ma Jirto Aayad Iyo Xadiis Ku Soo Arooray Gudniinka Gabdhaha”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More