Galmudug Oo Mar Kale War Ka Soo Saartay Dagaalo Culus Oo Ka Dhacay Gobolka Mudug

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa ka faah faahin ka bixiyay howlgaladii saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Wasiir Falagle oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug ay dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegeen deegaano hoostega Bacaadweyn oo horey u qabsadeen.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Ciidamada ay gacanta ku hayaan deegaanada kala ah Bacaadweyne, Tuulooyinka Qeycad iyo Hareeri dheer, isla markaana laga saaray Al-shabaabkii ku sugnaa, kadib dagaalo saacado qaatay oo halkaas ka dhacay.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa beeniyay wararka sheegaya in Al-shabaab ay dib u qabsadeen Bacaadweyne oo shalay Ciidamada Xoogga qeybta 21-aad ay la wareegeen, waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaaladii ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug oo labada dhinac soo kala gaaray, in kastoo aan si rasmi ah loo cadeyn tirada khasaaraha.

Dhinaca kale Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen inay dib u qabsadeen deegaanka Bacaadweyne ee Mudug, kadib markii weerar xoogan oo gelinkii dambe ee shalay ku qaadeen deegaankaas.

Si kastaba Al-shabaab ayaa horey ula wareegay degaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo in muddo ah ay heystaan, waxaana dhowr jeer dhacay weeraro ay ku qaadeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Ciidanka qeybta 21-aad, iyadoona weerarkii ugu dambeeyay ku qaaday degaanka Wisil.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xoghayihii Xisbiga Wadani Ee Gobolka Awdal Xildhibaan Kacab Oo Ka Baxay Wadani Kuna Biiray Xisbiga Kulmiye

Bnnstaff Bnnstaff

” Sheekh Aadan Siiro Wuxuu Ahaa Sheekh Caan Ku Ah In Uu Difaaco Qaranimada Dalka ” Wasiir Maxamed Kaahin

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Gobolka Banaadir Oo War Ka Soo Saaray Amaaanka Magaalada Muqdisho Fariin Culusna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More