Borama News Network

Madaxwayne Muslim Ah Oo Sexeexiisa Lagu Dhacay Lacag Dhan Malaayiin Dolar

Nijeria ayaa dalbanaysa in booliska caalamiga ah ee Interpol ay gacan ka siiyaan soo qabashada saddex tuhmane oo la sheegay in ay bangiga dhexe ee dalkaasi ka xadeen lacag dhan $6.2 milyan oo doolar, iyagoo isticmaalaya saxiixa la been abuuray ee madaxweynihii hore ee dalkaas Muxammadu Buhari.

Mas’uuliyiinta ayaa rumeysan in tuhmanayaashan ay la heshiiyeen madaxii hore ee bangiga dhexe ee Nijeria Godwin Emefiele.

Godwin Emefiele horay ayaa 20 eedaymood loogusoo dacweeyay, oo ay ku jirto in uu si sharci darro ah ku helay $6.2 milyan oo doolar ah.

Emefiele ayaa diiday dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana uu haatan bannaanka ku joogaa damiin.
Waa qofkii ugu horeeyay ee masuul hore ah, kaas oo lagu soo oogay musuq-maasuq tan iyo markii uu Madaxweyne Bola Tinubu xilka qabtay bishii May ee la soo dhaafay.

Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale ku doodaya in Emefiele uu si sharci darro ah u fasaxay in lacagta laga sii daayo khasnadda bangiga dhexe.

War qoraal ah oo uu soo saaray bishii Disember ee ina dhaaftay ayuu eedaymahan ku tilmaamay “been abuur qaawan oo uu baadhuhu sheegay si uu u gaadho ajandihiisa shaydaanimada”. Wuxuu ku baaqay “baaritaan hufan oo madax bannaan”.
Eedeysanayaasha lagu eedeeyay in Emefiele uu garab siiyay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Adamu Abubakar, Imam Abubakar iyo Odoh Ocheme, oo horay uga tirsanaa shaqaalaha bangiga dhexe, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Nijeria.

Eedeysanayaasha ayaa la rumeysan yahay in ay ka tageen dalka Nijeria, taasoo keentay in mas’uuliyiinta dalkaasi ay dalbadaan in booliska caalamiga ah ee Interpol ay ka caawiyaan soo xiriddooda iyo dib u celintooda, ayay hay’addu ku dartay.
Saddexda eedeysane midkoodna kama hadlin eedeymaha loo soo jeediyay.

Xatooyada la sheegay ayaa dhacday dhowr bilood ka hor inta uusan Muxammadu Buhari xilka ka degin

Dawladdu waxay amartay xadhigooda goor dambe oo Talaadadii ah, saacado ka dib markii Boss Mustafa, oo ah sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulkii hore ee Madaxweyne Buhari, uu ka markhaati furay dacwadda Mr Emefiele.

Mustafa ayaa u sheegay maxkamada magaalada caasimada ah ee Abuja in isaga iyo Buhari midkoodna uusan saxiixin ansixinta ka bixitaanka lacagtan ee bangiga oo dhan $6.2 milyan oo doolar.

“Marka la eego saxeexa, waa isku day daciif ah oo lagu soo saarayo saxeexa madaxweynihii hore ee Buhari,” wargayska Nation ayaa Mustafa kasoo xigtay isaga oo maxkamadda u sheegaya.

Markii la tusay dukumeentigii loo isticmaalay in dhaqaalaha lagala baxo bangiga, Mustafa waxa uu sheegay in “aanay ka soo bixin xafiiska madaxweynaha”, ayuu wargeysku ku daray.

Lacagtan ayaa si caddaan ah (kaash ah) loogala baxay bishii Janaayo ee sanadkii hore, dhowr bilood ka hor inta aysan dhammaan xilliga Mr Buhari.

Dacwad oogayaasha ayaa ku andacoonaya in Mr Emefiele uu been abuur ku sameeyay dukumeentigii laga doodayay, kaasoo ka codsaday bangiga dhexe in uu soo saaro dhaqaalaha si Mr Buhari uu ugu isticmaalo lacag bixinta korjoogayaasha doorashada ee ajnabiga ah.

Emefiele ayuu sanadkii 2014-kii u magacaabay guddoomiyaha bangiga dhexe, madaxweynihii xilligaasi Goodluck Jonathan, iyadoo Mr Buhari uu dib u magacaabay sannadkii 2019. Waxa uu xilkaasi hayay ilaa madaxweynaha hadda Bola Tinubu uu xilka la wareegay.

Related posts

Isreal Oo Weeraradii Ugu Cuslaa Ku Qaaday Magaalada Qaza

Abdiaziz Bnnstaff

Booliiska Maamul Goboleedka Puntland Oo Sheegay In Ay Qabteen Ajaanib Katirsan Daacish.

Abdiaziz Bnnstaff

“Xisbiga Waddani waxa uu dhisaya ururka Kaah oo uu danihiisa Ka Shaqaynayo”Xildhibaan Cabdikariin

Abdiaziz Bnnstaff