Nin Maxkamadda Puntland Xukun Dil Toogasho Ku Riday Oo Xabsi Ka Baxsaday

Xabsiga weyn ee Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa waxaa subaxnimadii hore ee shalay ka baxsaday Nin maxbuus aha, kaasi oo horey Maxkamadda Puntland xukun ku riday.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Puntland Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xersi oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in maxbuus xanuun oo kamid ahaa maxaabiista ku jirta Xabsiga weyn ee Magaalada Qardho loo qaaday Isbitaal, si loogu soo daaweyo, hayeeshee uu baxsaday.

Maxbuuska baxsaday oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Jaamac ayuu Afhayeenka sheegay in horey Maxkamadda Puntland ugu xukuntay dil toogasho ah, isla markaana loo dhiibay Saraakiil ka tirsan Booliska Gobolka Karkaar, balse uu ka baxsaday inta loo sii waday Isbitaalka Magaalada.
Waxaa uu Carabka ku dhuftay Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xersi in Ciidankii loo dhiibay Axmed Cabdi ee ilaalada ka haayay ay la garab mareen Isbitaalka oo ay u gacan geliyeen Ciidamo maleeshiyaad ah oo u diyaarsanaa maxbuuska oo watay.

Isaga oo sii hadlaayay Afhayeenka Ciidanka Asluubta Puntland ayaa waxaa uu tilmaamay in kiiska loo xiray Saraakiishii loo dhiibay maxbuuska oo mid kamid ah Askartii kexeeysay Axmed Cabdi Jaamac uu horey isna u baxsaday.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Puntland Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xersi ayaa sheegay in laamaha amniga Maamulka ay ku raad-joogan maxbuuska ka baxsaday Xabsiga weyn ee Magaalada Qardho, isla markaana dib loogu soo celin doono xabsiga.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Shacabka Magaalada Burco Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Dareen Celiyay Go’aanka Laga Soo Saaray Cilaajyada

Bnnstaff Bnnstaff

“Waxaan Dawlada Ugu Baaqaynaa Inay Soo Cadeeyaan Asbaabta Coldoon Loo Xidhay” Xisbiga Waddani.

Bnnstaff Bnnstaff

Maayirkii Magaalada Ceerigaabo Oo Mar Kale Dib Loo Doortay Iyo Qaabka Ay U Dhacday Doorashadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More