Borama News Network

Soomaaliya Oo Gudoomisay Shir Ka Dhacay Dalka Itoobiya Iyo Arimaha Lagaga Hadlayo Shirkaasi

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad ayaa shir gudoomiyay shir ay isugu yimaadeen guddiga qaabilsan nidaaminta iyo qorshaynta jagooyinka kala duwan ee Midowga Africa, sida ay baahisay warbaahinta dawladda Soomaaliya.

Booskaan oo ay u tartamaan madaxda iyo dalalka Africa, ayaa waxaa xiligaan hoggaanka u haysa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa kamid ah dedaalka iyo tartanka ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu jirto helista hogaaminta Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Africa ee sanadaha 2025-2026, booskaas oo ay Soomaaliya rajo ka qabto in ay hesho.

Wafdiga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Addis Ababa, ayaa ka qayb gelaya shirar kala duwan oo hordhac u ah kulanka guud ee sanadlaha ah ee Midowga Africa.

Related posts

Deg Deg: Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Waaran Soo Qabasho Ah U Jartay Madaxwayne Axmed Madoobe

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Maanta Gobolada Sool Iyo Sanaag Ka Qaramaysay Ciidamadii Ugu Badnaa

Abdiaziz Bnnstaff

In ka badan 1 milyan oo taageere oo iskugu soo baxay Jilaa ku biiray siyaasadda Hindiya.

Abdiaziz Bnnstaff