Iska Horimaad Cusub Oo Dhexmaray Ciidamada Dalalka Armenia Iyo Azerbaijan Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Armenia iyo Azerbaijan ayaa Talaadadii isdhaafsaday eedeymo ku saabsan cidda billowday iska horimaad askar ay uga dhaawacmeen labada dhinac oo xuduudda ku dhex-maray.

Waa dhacdadii ugu dambeysay xiisad dhowaanahan kordheysay kadib dagaalkii sanadkii tegay labada dhinac ku dhex-maray gobolka Nagorno-Karabakh.

Dagaalkii Nagorno-Karabakh, oo ah gobol ka tirsan Azerbaijain balse ay degan yihiin dad Armenian ah, ayaa dilay ku dhowaad 6,500 qof kahor inta bishii November lagu dhammeyn xabad joojin ay dhex-dhexaadisay Russia, oo Armenia ay dhul badan ugu gacan gelisay Azerbaijan.
Madaxa shaqaalaha madaxtooyada Armenia, Samvel Asatryan ayaa Talaadadii weriyayaasha u sheegay “in ciidamada Azerbaijain ay xabado ku fureen meel ku dhow xaafadda Verin Zhorzha” ee degmada Gegarkunik ee bariga Armenia.

Hal askari oo Armenian ah ayaa dhaacwayo fudud ay kasoo gaareen iska horimaadka.

Wasaaradda Difaaca Azerbaijan ayaa markii hore beenisay warbixintan, hase yeeshee waxay xalay tiri “ciidamada Armenia waxay rasaas kusoo fureen goobo ay ku sugan yihiin ciidamada Azerbaijan ee xaafadda Aligaly ee degmada Agdam.”

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Farmaajo Oo Maanta Kulan La Qaadanaya Amiirka Dalka Qatar

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayme Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Safiirka Ingiriiska Ee Somaliya Oo Hargaysa Soo Gaadhay

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaan ku soobaxay $300,000 Oo Kun Ilama Aha In Hankiisa Lagu Baayaco $50,000″ Xildhibaan Caano Boodhe

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More