Dowlada Somaliya Oo Shaacisay In Cudurka Covid 19 Uu Saamayn Gaar Ah Ku Yeeshay Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS, Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim, ayaa khudbad ka jeedisay shirka sideedaad ee wasiirada Haweenka Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Khudbadda Wasiir Xaniifa, ayaa waxay kaga hadashay sida cudurka Coronavirus u saameeyay haweenka Soomaaliyeed, horumarinta haweenka ka sameeyeen dhanka ka qeybgalka siyaasadda dalka iyo guud kaalinta haweenku ku leeyihiin horumarka Soomaaliya.

Shirka, waxaa kale oo ka qeybgalay, danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Masar, Ilyaas Sheekh Cumar, agaasimaha waaxda Jinsiga ee wasaaradda haweenka Sacdiya Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Masar mudane Cabdifitaax Alsisi ayaa soo xirey shirka sideedaad ee wasiirada haweenka ee Ururka IOC.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

” Xabada Isku Dhiga Miyaynu Dhahnaa ” Gudoomiyaha Urur Siyasadeedka Barwaaqo Dr Gaboose

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Shaaciyay In Mishaarka Ciidamada Puntland Sadex Jibaar Loo Kordhiyay

Bnnstaff Bnnstaff

“Dalka Waxa Soo Galay Dad Dalal Kale Ka Soo Duulay Oo Mishaano Wata Oo Dhuxusha Guranaaya” Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More