Raysal Wasaare Rooble Oo Kismaayo Kulan Gaar Ah Kula Yeeshay Taliska Ciidamada AMISOM

Ra’iisul Wasaaraha Xuukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay Taliska Ciidamada AMISOM ee Sector 2 loo yaqaanno.

Kulanka oo ahaa mid saacado qaaatay ayaa waxaa dhinacyadu ay kaga wada hadleen arrimo ku aaddan ammaanka guud ee Jubbaland, waxaana sidoo kale qayb ka ahaa Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Xilgaarsiinta.
Kulanka ayaa si gaar ah loogu faaqiday sugida amniga doorashooyinka iyo howlgalada, iskaashiga ciidamada qalabka sida, waxaana Mas’uuliyiintu ay diiradda saareen sidii dhinacyada amnigu quseeyo ay isku kaashan lahaayeen.

RW Wasaare Rooble ayaa tan iyo markii uu tagay Degaanada Jubbaland waxaa uu kulamo kaal duwan la yeelaynay Qaybaha kala duwan ee maamulkaasi, waxaana uu la kulmay saraakiisha Ciidanka Dowladda ee ku sugan Jubbaland, isagoo sidoo akle la kulmay siyaasiyiintaa Jubbaland gaar haan kuwa kasoo jeeda Gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Diyaaradda Ethiopian Airlines Oo Dib U Bilaabaysa Duulimaadyadii Gobolka Tigray

Bnnstaff Bnnstaff

Mudaharaad Mar Kale Caawa Dib Uga Bilaabmay Magaalada Laascaanood

Bnnstaff Bnnstaff

Beesha Caalamka Oo Si Wayn Usoo Dhawaysay Shirka Muqdisho Uga Socda Madaxda Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More