Maxkamadda sare ee boqortooyada Sucuudiga ayaa waxay shaacisay in bisha Dul-Qacda maanta ay dhamaan doonto 30, isla markaana ay berrito curan doonto bisha Dul-xaj ee sanadka Hijriyadda ee 1442-ka.
Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay in Maalinta Waquufka Banka Carafaat noqon doonto bishan July 19-da, halka maalinta 1-aad ee Ciiddul-Adxa ama Carafo noqon doonto bishan July 20-da.
Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee Spa ayaa Maxkamadda Sare ee dalkaasi ugu baaqday dhamaan dadka Muslimiinta inay baadi-goobaan Bilashada Bisha Dul-Xaj oo la filayo in caawa la arko.