Maxkamad Ku Taalla Dalka Kenya Oo Qaadeysa Kiiska Weerarkii Westgate

Maxkamad ku taalla Kenya ayaa maanta lagu wadaa inay qaaddo kiiska saddex nin oo ku eedeysan inay caawiyeen maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday dhisme laga dukaameysto oo ku yaalla acasimadda Nairobi, sanadkii 2013.

Ugu yaraan 67 qof ayaa ku dhimatay weerarkaas oo lagu qaaday dhismaha Westgate.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaas. Kenya ayaa sheegtay in raggii geystay weerarka ay ku dhinteen gudaha dhismaha.

In ka badan 140 marqaatiyaal ah ayaa ku marag furtay raggaasi, inkastoo eedeysanayaashu ay beeniyeen.

Kenya ayaa feejignaan dheeri ah ka muujineysa weerarro laga geysto gudaha dalkeeda iyadoo ciidamo milatari ah ay ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Somaliland Oo Dad Badan Usoo Xidhxidhay Weerar Xalay Ka Dhacay Magaalada Laascaanood

Bnnstaff Bnnstaff

“Ganacsatada Waxaan Ugu Baaqaya In Ay Dalka Maalgashadaan” Wasiirka Maalgashiga Somaliland

Wafti Ka Socda Dowlada Somaliya Oo Shir Kaga Qayb Galaya Dalka Ghana

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More