Wasiirad Raali Galin Ka Bixsay Amar Ay Bulshada Ku Soo Rogtay Oo Uu Ninkeedu Jabiyay

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koofureed Kang Kyung-wha ayaa raalligelin bixisay kaddib markii ninkeeda uu u safray Mareykanka si uu u soo iibsado Markab nooca raaxada ah – isagoo jebiyay talooyinkeeda ku aaddan safarka.

Lee Yill-byung, oo wax ka dhiga Jaamacadda Yonsei, ayaa Sabtidii lagu arkay Garoonka Caalamiga ah ee Incheon, isagoo ku sii jeeday Mareykanka.

Wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuu u socdo dalxiis.

“Coronavirus kuma dhammaan doono maalin ama labo maalin gudahood. Guriga iskama fadhin kartid maalin walba, marka sidaan qabo, si caadi ah ayaad isaga noolaan kartaa adiga oo taxadaraya,” ayuu yiri Lee.

Sida ay wararku sheegayaan wuxuu Mareykanka u aaday inuu ka soo iibsado Markab nooca raaxada ah.

Si kastaba, tan iyo bishii March, wasaaradda arrinmaha dibadda dalkaas ayaa shacabka ku boorrisay inay ka baaqsadaab safarrada dibadda ee aanan muhiimka ah inta lagu guda jiro xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

“Waan ka xumahay in tani ay dhacday xilli ay dadku iska deynayaan safarrada dibadda,” ayay tiri Ms Kang.

Mar wax laga weydiiyay inay ninkeeda u sheegi doonto inuu soo laabto, Ms Kang ayaa tiri: “Wuxuu safarka qorsheeyay muddo dheer kahor, dhowr jeer ayuuna dib u dhigay, sidaas darteed way igu adag tahay inaan u sheego inuu soo laabto.”

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Sheegtay In La Dilay Saraakiil Ka Tirsan Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Daawo:- Barmaajika Dhacdooyinkii Ugu Waawaynaa Ee Gobolka Awdal Ee Sanadkii 2020

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Fadaraalka Somaliya Oo Si Adag Uga Jawaabtay Eedaymihii Mucaaridka Ah Ee Gudiga Doorashooyinka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More