Dagaal Ka Dhacay Gobolka Gedo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkaasi

Dagaalka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa degaanka Bohol Garas oo hoostaga degmada Doolow ee Gobolka Gedo uu ku dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed.

Labada maleeshiyo Beeleed ayaa dagaalkooda waxaa uu salka ku hayaa isku qabsiga dhul ku yaal degaankaas, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeeiyooday 6 Ruux halka 10 kale ay ku dhaawacmeen,.sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Dooloe.

 

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in ka Jubbaland ahaan ay aad uga xun yihiin dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed.

Wasiirka oo la hadlay Voa-da ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamay inay colaada joojiyaan, waxaana uu sidoo kale Ciidamada dowladda uu ka codsaday inay kala dhexgalaan maleeshiyaadka dagaalamaya.

Sanadihii la soo dhaafay ayaan wax dagaal beeleedyo ah ka dhicin degaannada Gobolka Gedo, hayeeshee haatan ay u muuqdaan kuwo dib ugu soo laabtay Gobolka hadii aan laga hortegin

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaaraha Talyaaniga Oo Booqanaysa Waddanka Liibiya Iyo Ujeedada Booqashadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Muqdisho Oo Wadooyinkii La Xidhay iyo Ciidamo Lagu…

Mustafehaji

Beesha Caalamka Oo Kulan Xasaasiya La Qaadatay Madaxwaynayaasha Maamul Goboleedyada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More