Malateriga Afghanistan Oo Howl Gal Ka Dhan Ah Daalibaan Ka Fuliyay Waqooyiga Dalkaasi

Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Afghanistan ayaa sheegay in ciidamadooda ay howl gallo qorsheysan ka sameeyeen Waqooyga dalkaasi, gaar ahaan gobalka Takhar oo ku dhaw xadka ay la wadagaan dalkaTajikistan.

Howlgalkan ayaa noqonaya kii ugu balaarnaa oo ciidamada ay ka fuliyaan dalkaasi kadib wixii ka dambeeyay bixitaankii malateriga Mareykanka ay ugu baxeen wadanka Afghanistan.

Guddoomiyaha gobalka Takhar cabdulaahi qarluq, ayaa sheegay in duulaanka ay qaadeen ciidamadooda ay ku dileen 55 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Daalibaan halka ay ku dhaawaceen illaa iyo 90 kale.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhiga ee Afghanistan ayaa xusay in ilaa 15 ka tirsan Daalibaan lagu dilay duqeyn Diyaaradeed oo malateriga Afghanistan ay ka sameeyey gobalka Takhar.

Sidookale Afhayeen ayaa warbaahinta u sheegay in habeen hore Daalibaan ay weerar culus ku soo qaadeen magaalada Taluqan balse ay si weyn isaga caabiyeen ciidamada dowladda.

Horaantii todobaadkan ayaa waxay Daalibaan cadaadis xoogan saareen magaalada Taluqan oo ah caasimada gobalka Bagdhis halkaas oo ay gudaha u galeen balse markii dambe ay halkaasi ka saareen ciidamada gaarka ah ee dowladda.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, ayaa hore u sheegay in ciidamadooda ay wadaan qorshe Maleeshiyaadka Daalibaan loogala wareegayo deegaanadi ay gacanta ku dhigeen todobaadyaddii la soo dhaafay.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Madaxweynaha Shiinaha Oo Ku Baaqay In Dadaal Wadajir Ah Loo Qaado Horumarinta Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Dib U Bilaabmay Kaalmadii Uu Siin Jiray Falastiin

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Dimoqraadiga Maraykanka Oo Ku Guulaystay Labada Kursi ee Aqalka Senatka Gobolka Goergia

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More