Ciidamada Ammaanka Soomaliya oo Baadi Goobaya Maleeshiyad Dilay Dad Isku Qoys ah

Ciidamada Amaanka Dowlada Fderaalka & kuwa Maamulka Galmudug aya aaga Deegaanka saax qurun ka baadigoobaya Kooxdii ka dambeysay dilkii Dadka isku Qoyska ahaa loogu geystay Gudaha Deegaanka Saax Qurun Ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay in heleen xog ku Aadan halka ay ku sugan yihiin Isla markaana gacanta ay kusoo dhigi doonaan

Saraaikisha waxay sheegeen in Kooxdii ka dambeysay dilka Dadka Shacabka ay hadda ku sugan yihiin Tuuloyin hoostaga degmada Goldogob ee Gobolka Mudug Dhanka Puntland

Soo qabashada Kooxdaasi ayey sheegeen iney kala qeyb qaadanayaan Ciidamada Ka tirsan Puntlan, isla markaana ay rajeynayaan inay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka dadka rayidka ah.

Habeen kahor ayaa maleeshiyaad hubeysan waxaa ay duleedka degaanka sax qurun ee Gobolka Mudug ku dileen Aabe iyo laba Carruur ah oo uu dhalay, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Related posts

Gudoomiye Ciro Oo Burco Ka Shaaciyay In Uu Yahay Murashax Madaxwayne Ee Doorahada Madaxtooyada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Xeerku Hadii Uu Noo Yimaado Talaabo Ayaan Ka Qaadaynaa,Madaxwaynaha Waan U Kordhin Karnaa” Xildhibaan Ka Tirsan Guurtida

Bnnstaff Bnnstaff

Ku Baro Quraanka Kariimka Ah Hab Online Ah Adoo Jooga Gurigaaga Iyo Goobtaada Shaqo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More