Ra’iisulwasaraha Uk oo Cambaareeyay Falal Lagula Kacay Ciyaaryahano Caan ah

Ra’iisul Wasaaraha UK iyo xiriirka kubadda Cagta Ingiriiska ayaa cambaareeyay falal cunsurinimo ah oo la kula kacay ciyaartooyda kala ah Jadon Sancho, Marcus Rashford iyo Bukayo Saka kadib guuldarradii ay xaley uu xulka Ingiriiska kala kulmay ciyaarta kama dambeysta ee koobka Yurub.

Talyaaniga ayaa 3-2 rigooreyaal ah kaga badiyay Ingiriiska.

Saddex kamid ah ciyaartooyda Ingiriiska ayaa ku guuldareystay inay dhaliyaan rigoorayaasha.

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson wuxuu ku tilmaamay cunsurinimada la kula kacay ciyaartooydan mid walaaceeda leh oo laga naxo.

“Ciyaartooyda xulka Ingiriiska waxay mudan yihiin in loogu yeero halyeey balse ma ahan in cunsurinimo lagula kaco iyadoo loo maraya baraha bulshada” ayuu yirii Ra’iisul Wasaaraha.

Dhanka kale xiriirka kubadda Cagta Ingiriiska ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ciyaartooyda dhibaatada loo geystay isla markaana waxay ku baaqeen in tallaabo adag laga qaado dadka suurtagalka ay tahay inay ka dambeeyeen arrintaas.

Booliska London waxay sheegeen inay baarayaan falalka cunsurinimada ah ee lagula kacay ciyaartooyda.

Waxay sheegeen ‘In aanan loo duul qaadan doonin falalka noocaas ah”

Related posts

Al-Shabaab Oo Weerar Khasaaro Gaystey Ku Qaaday Waqooyi Bari Kenya Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Warshadaha Kaadhadhka Electronic -ga Ah Sameeya Oo Loo Rarayo Maraykanka Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Galmudug Oo Hubka Ka Mamnuucday Magaalada Guriceel

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More