AL-shabaab oo la wareegay deegaano ka tirsan G/Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaalamayaasha AL-shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Dhag-haye oo ka tirsan deegaannada hoos taga degmada Hobyo gobolka Mudug.

AL-shabaab ayaa sheegay iney deegaankaas kula wareegeen si nabdoon sida ay ku sheegeen war qoraal ah oo ay soo dhigeen bartooda ay ka isticmaalaan baraha bulshada islamarkaana halkaas ciidamadii joogay ay iskaga baxeen ee ka tirsanaa kuwa Galmudug.

Dagaalamayaasha AL-shabaab ayaa sidoo kale tilmaamay iney dhowr deegaano oo ka tirsan gobolka Mudug ay la wareegeen tan iyo markii uu dhacay dagaalkii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug iyo AL-shababaab ku dhex maray Bacaadweyne ee ka tirsan gobolkaas

Related posts

Xagay Ku Dambaysay Gudigii Loo Xilsaaray Ka Hortega Iyo Xakamaynta Cudurka Covid 19 Ee Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Qaar Ka Mid Ah Madaxda Maamulada Somaliya Oo Kulan La Qaatay Midowga Murashaxiinta

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Hogaaminta Habargidir Oo Sheegay In Ayna U Dulqaadan Doonin Banaanbaxyo Rabshado Wata

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More