Talibaan Oo Qabsatay Qaar Ka Mid Ah Magaalooyinka Waawayn Ee Dalka Afghanistan

Taaliban ayaa la wareegay maamulka degmada Wesh ee ku taal xuduudda Afghanistan ay la wadaagto Pakistan, waxaana degmadan ay noqonaysa tii ugu weyn ee istaraatiiji ah ee kooxdan ay qabsato.

Muuqaal ay sii daayeen Taalibaan ayaa muujinaya calankooda cad oo ay ku qoranyihiin aayaddaha Qur’aanka kariimka ah oo ka babanaya halkii calanka Afghanistan uu ka surnaa ee iridda marinka xadka ee magaalada Wesh ee Afghanistan.

Taliban ayaa maalmihii la soo dhaafay qabsatay marino kale oo waaweyn oo dhanka xuduuda waqooyiga iyo galbeedka dalkaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay inuu kala baxayo dhammaan ciidamada Mareykanka bisha soo socota, waxaana ciidamada Mareykankuna isaga baxeen saldhigoodii ugu weynaa Afghanistan labo todobaad kahor.

Saraakiil Mareykan ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in Mareykanku u diri doono diyaaraddo gaar ah dabayaaqada bishan si ay u bilaabaan daadgureynta ku dhowaad 2,500 oo reer Afgaanistaan ah oo turjubaanno u ahaa dowladda Mareykanka oo hadda naftoodu ay qatar ku jirto.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Shacabka Somaliland Tigidh Jaban Ayay Xaq U Leeyihiin”.. Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Fly Dubai Oo Joojisay Duulimaadyadii Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Mar Kale Eedaymo U Jeedisay Madax Haayada Caafimaadka Aduunka

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Sheekh Aadan ‘Madoobe’ Oo Ka Hadlay Arrinta Mukhtaar Roobow

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More