Dowlada Kenya Oo Sheegtay Inay Duqeyn Ku Dishay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay duqeyn iyo howlgal ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab degaanka jasiirada Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.

Agaasimaha la dagaalanka Argagaxisada iyo Amniga Qaranka, sido kalena taxliiliya arrimaha Sirdoonka geeska Afrika David Goldman ayaa sheegay in duqeyn lagula beegsaday duleedka kudhaa Kolonyo ay wateen Al-Shabaab laggu dilay 11 dagaalame, sidoo kalena gaadiidkaas la burburiyay.

Waxaa uu sheegay in duqeynta ay daba socdeen howlgallo dhulka ah oo ay Ciidamada Kenya fuliyeen kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Jubbaland oo u socdaalayay degaano u dhow degaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Al-Shabaab ayaan weli dhankooda ka hadlin warkaan kasoo baxay Dowladda Kenya ee ku aadan in dagaalamayaal ka tirsan lagu dilay duqeyn, hayeeshee inta badan degaannada Gobolka jubbada Hoose ayaa waxaa ka dhaca dagaal u dhaxeeya Ciidamada Kenya & Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Imaaraadka Carabta Oo Dawlad Ku Meel Gaadh Ah Ugu Yeedhay Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Ex Madaxwayne Xasan Sheekh Farmaajo Uga Digay Carqaladeynta Shaqada Ra’iisul Wasaaraha

Bnnstaff Bnnstaff

Kacdoon Siyaasadeed Oo Ka Dhex Bilawday Xisbiga Talada Haya Ee Dalka Britain

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More