Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliya Oo Sheegay In Maxkamada Sare Qaadi Doonto Dacwada Doorashada

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dad badan ay is weeydiiayaan in Maxkamadda Sare ay awood u leedahay dacwadaha ka dhasha arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeedinayay Shirka Madasha Garsoorka gobolka Banaadir ayaa sheegay in go’aan kasta oo ay gaaraan Gudiyada doorashooyinka uu yahay mid maamul, isla markaana dacwadda ka timaada ay qaadi karto kaliya Maxkamadda Sare ee dalka.

“ Maxkamadda Sare waxaa ay diyaar u tahay inay ka garnaqdo cabasho kasta oo ka dhalata go’an kasta oo ay gaaran gudiyada doorashooyinka heerkasta ay yihiin, marka waxaan rabaa in qofkasta uu arrintaasi ku baraarugsanaado ayuu yiri” Guddoomiye Baashe.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu sheegay in cid walba oo uu saameeyo Go’aanada ay gaaraan guddiyada doorashooyinka aysan u arag in waajiba sharci ah uu yahay go’aanadii ay gaareen Madaxda dowladda & dowlad Goboledyada, balse waxa asalka ah uu yahay Dastuurka dalka.

Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan ka filayaa in dalka ay ka bilaawdaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Guddiga Qaban Qaabada Xuska Maalmaha Xoriyadda Somaliya Oo War Soo Saaray

Bnnstaff Bnnstaff

“Maydkii Sarkaalkaygayii Garxajix Intay U Abtiriyeen Ayay Madaxa Kaga Istaageen” Salaadinta Gabooye Oo Si Cadho Leh U Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

” Hadii Ad Joojin Waydo Mudaharaadka Inkaar Iyo Cuqubaba Way Idiinku Dhici ” Badhasaab Ku.Xigeenka Gabiley

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More