Sir Kale Oo Laga Helay Calooshooda U Shaqeystayaashii Dilay Madaxweynahii Dalka Haiti

Madaxweynaha dalka Kolombiya Iván Duque ayaa sheegay in qaar kamid ah dadka reer Colombia ee lagu tuhmayo dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moïse ay “aqoon durugsan” u lahaayeen qorshaha dilka hogaamiyahaii Haiti.

Mr Moïse ayaa toddobaadkii hore lagu dilay gurigiisa iyadoo sidoo kalana xaaskiisa la dhaawacay.

Booliska Haiti waxay sheegeen in koox calooshood u shaqeystayaal ah oo ka koobnaa askar hore oo reer Colombia ah ay dileen Mr Moïse.

Mr Duque wuxuu sheegay in dadka reer Colombia badankood la khiyaameeyay maadama loo sheegay inay ilaaliyaal ka noqon doonaan Haiti.

Laakiin waxaa ku jiray koox yar oo iyaga ka mid ah oo aqoon buuxda u leh howlgalka, ayuu u sheegay idaacadda Colombia.

28-ka nin ee la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada Kumaandooska ee dilay Mr Moïse, marka laga reebo laba ka mid ah waxay ahaayeen reer Kolombiya halka labada kale ay dhalasha Mareykan ah, asalkoodu yahay Haiti.
Labada u dhalatay Haiti ayaa sheegay in ay turjumaanno u ahaayeen kooxda Colombia u dhalatay ee wadatay ruqsadii lagu soo xiri lahaa madaxweynaha.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Warbixin Cajiib Ah Nin Cagaha U Maydhay Ninkii Dilay Wiilkiisa Iyo Dadkii Deegaankiisa Oo La Yaabay Ninkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Qarax Lagu Dilay Maamule Iskool oo Ka Dhacay Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Jabhada TPLF Oo Shuruudo Adag Ku Xidhay Aqbalaada Xabad Joojinta Ay Dowlada Itoobiya Ku Dhawaaqday

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More